Muqdisho — Booliska Soomaaliya ayaa si wayn loogu eedeeyay inay ku milmeen arrimaha siyaasadeed ee dalka, taas oo dhalisay dhibaatooyin ba’an oo saameyn ku yeeshay shacabka Soomaaliyeed.
Cismaan Bari, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Hirshabelle, oo waraysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa si kulul u weeraray booliska, isaga oo sheegay inay kulmimeen siyaasad isdiidan oo dalka ka jirta.
Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay taliyaha booliska, Asad Diyaano, isagoo ku tilmaamay in intii uu xilka hayay ku fashilmay jihaynta iyo hanuuninta ciidanka, isla markaana uusan dhagaha u furnayn cabashada shacabka.
Guddoomiyihii hore ayaa carabka ku adkeeyay in haddii taliyaha booliska uusan wax ka qaban cabashooyinka taagan, ay taasi keeni karto in Madaxweynaha Soomaaliya uu soo farageliyo, taas oo saamayn ku yeelan karta sii haynta xilka taliyaha.
Eedeymahan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii u dambeeyay booliska lagu eedeeyay inay si muuqata ugu milmeen arrimaha siyaasadda, taasoo keentay kalsooni darro xoogan oo ka dhex jirta bulshada.




