Balcad — Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab saacadihii lasoo dhaafay lagu soo daad gureeyay deegaanada u dhexeeya magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.
Al-Shabaab ayaa la sheegay inay wataan gaadiid gaashaaman kuwaas oo isku fidinaya waddooyinka iyo deegaanada u dhaxaysa Balcad iyo Jowhar, taasoo sare u qaadeysa cabsi iyo welwel ku saabsan amniga gobolka Shabeellada Dhexe.
Wararka laga helayo gobolka ayaa tilmaamaya in dhinaca kale ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Hirshabelle ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan si ay ula hortagaan isu soo baxa Al-Shabaab.
Amaanka degmooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo halkaas laga bilaabay howlgallo ciidan oo ballaaran, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqa kooxda Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa mar walba isu bedeli karta mid dagaal, iyadoo labada dhinac ay isku soo dhowaanayaan goobaha dagaalka, taasoo halis weyn ku ah ammaanka iyo xasiloonida gobolka.
Horay ayaa kooxda Al-Shabaab u qabsatay deegaano muhiim ah oo u dhexeeya Balcad iyo Jowhar, gaar ahaan ka dib markii ay ka baxeen ciidamadii Burundi ee horey uga sugnaa deegaanka Xawaadleey.




