Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalaya shirweynaha UNFSS+4

0

ADDIS ABABA – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Sabti ah soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qayb galo Shirweynaha Labaad ee Qaramada Midoobay ee Nidaamka Cuntada (UNFSS+4), oo ay si wadajir ah u martigelinayaan Itoobiya iyo Talyaaniga intii u dhaxaysay 27–29 Luulyo.

 

Madaxweynaha waxaa garoonka caalamiga ah ee Bole ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Itoobiya Temesgen Tiruneh iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Berhanu Tsegaye.

“Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Itoobiya, si kal iyo laab ah ayaan u soo dhoweynayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah inoogu yimid si uu noogala qeyb galo Shirweynaha 2-aad ee Nidaamka Cuntada Qaramada Midoobay — waana astaanta midnimada Afrika,” ayuu yiri Temesgen mar uu warbaahinta la hadlay.

Ka qaybgalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujinaya sida gobolka uga go’an yahay wax ka beddelka nidaamyada cuntada, xilli caqabadaha caalamiga ah ee sii kordhaya — sida isbedelka cimilada, gaajada, iyo nafaqo-xumada — ay culays ku hayaan dalal badan.

Hoggaamiyeyaal caalami ah oo ay ka mid yihiin madaxda dalalka, wasiirro, saynisyahanno, beeraley, matalayaal dhalinyaro ah iyo la-hawlgalayaal horumarineed ayaa isugu yimid caasimadda Itoobiya si ay u qiimeeyaan horumarka laga gaaray tan iyo shirkii ugu horreeyay ee 2021, una xoojiyaan iskaashiga dhanka dhismaha nidaamyo cunto oo waara, loo dhan yahay, isla markaana adkaysi u leh dhibaatooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here