Addis Ababa, Itoobiya — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dalka Itoobiya kaga qeyb-galay Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka, halkaas oo uu kulan soo dhaweyn ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal ee dariska ah iyo xaaladda amni ee gobolka Geeska Afrika. Labada hoggaamiye ayaa si wadajir ah uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee weli khatar ku haya nabadda, jiritaanka iyo horumarka shacabka gobolka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeystay in nabadda iyo amniga gobolka ay yihiin tiir muhiim u ah horumarka bulshada, waxaana uu ku baaqay in wadashaqeyn iyo isfahan buuxa lagu dhiso dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha burburka ku haya Geeska Afrika.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa muujiyay sida uu u qiimeeyo xiriirka dhow ee Itoobiya iyo Soomaaliya, isagoo ku baaqay in dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida gobolka laga hirgeliyo wadajir iyo is afgarad.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha kale ee gobolka sida horumarinta dhaqaalaha, kaabayaasha, iyo xal u helidda caqabadaha cunto iyo amni ee horyaalla Geeska Afrika.
Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka ayaa ah fursad muhiim ah oo hoggaamiyeyaasha gobolka ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xal u helidda caqabadaha cunto ee saameeya malaayiin qof oo ku nool dunida, gaar ahaan qaaradda Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku heshiiyay in la sii xoojiyo wada hadallada noocan oo kale ah iyo in la kordhiyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarka bulshada.




