Ciidamada Puntland oo Howlgallo Ballaaran ka Fuliyay Buuraha CalMiskaad

0

BOOSAASO – Ciidamada ammaanka Puntland, gaar ahaan cutubka Birmadka ee booliiska Goodir, ayaa sameeyay howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga loogana hortagayo sahayda iyo taageerada loo gudbinayo xubnaha Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Cal Miskaad ee gobolka Bari.

 

Howlgalka ayaa lagu qabtay gaari dhayne ah oo si qarsoodi ah raashin, solarro iyo agabyo kale ugu waday kooxda Daacish. Labadii qof ee waday gaariga ayaa si toos ah gacanta ugu galay ciidamada, kuwaasoo ku sugnaa Togga Baalade oo duleedka magaalada Boosaaso ah, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo joogto ah oo lagu baacsanayo kooxaha argagixisada.

Sidoo kale, wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in cutubka Waran ee ciidanka difaaca Puntland ay hawlgallo ka sameeyeen deegaanka Lugta Garaar ilaa Sulsul, halkaas oo ay ka heleen godad ay kooxda Daacish ku qariyeen agabyo kala duwan.

Waxaa agabkaas ka mid ahaa manhajyo ay kooxda argagixisadu dadka ku marin habaabin jireen, baasabooro iyo matooro yaryar oo loo adeegsan jiray sahayda.

Ciidamada difaaca Puntland ayaa si joogto ah ugu hawlan fashilinta dhagarta kooxaha argagixisada, iyagoo xoojinaya dadaallada lagu ciribtirayo haraadiga kooxda Daacish ee weli ku dhuumaaleysanaya deegaannada buuraha iyo godadka gobolka Bari.

Puntland waxay markasta u taagan tahay difaaca shacabka iyo la dagaallanka kooxaha taagta daran ee khatarta ku haya amniga gobollada waqooyi-bari ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here