Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo amaanay Ciidanka Qaranka iyo Bulshada Gedo

0

Muqdisho — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga bogaadiyey Ciidanka Qaranka masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo.

 

Golaha ayaa sidoo kale ku amaanay qaybaha kala duwan ee bulshada ee garab istaagay dowladnimada iyo dadaalka ay u galeen ka shaqeynta nabadda gobolka Gedo, iyadoo ay weli shaqeynayaan xaruumihii dowladda ee bixin jiray adeegyada muhiimka ah.

Golaha Wasiirrada ayaa caddeeyey in dowladda Federaalka ay mudnaanta koowaad siinayso dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo hadafka ugu weyn uu yahay in shacabka Soomaaliyeed helaan nabad, xasillooni, iyo adeeg dowladeed oo dhammeystiran. Waxaa sidoo kale la sheegay in cid kasta oo carqaladeynaysa dadaallada lagu ciribtirayo kooxahan ay dowladda ka hortagi doonto si adag.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka ee Nidaamka Maareynta Maaliyadda iyo Xisaab-xirka sanadeedkii 2024, taasoo qayb ka ah horumarinta maamulka maaliyadda dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha bulshada inay ka qayb qaataan nabadeynta iyo horumarinta dalka, iyadoo dowladda ay ka go’antahay in la xoojiyo adeegyada iyo amniga guud ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here