Muqdisho — Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanada iyo fadhiyada madaxa bannaan ee Ciidanka Booliiska, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga gudaha dalka.
Shirka ayaa si gaar ah uga hadlay kor u qaadidda tayada Akadamiyadda Ciidanka Booliiska, iyadoo la xoojiyey muhiimadda ay leedahay in la helo ciidan leh aqoon iyo xirfad boolisnimo oo casri ah, si waxtar u leh ilaalinta amniga iyo adeegga shacabka.
Intaa waxaa dheer, kulanka ayaa lagu falanqeeyay baahida loo qabo in ciidamada lagu wacyigeliyo ku dhaqanka anshaxa, iyadoo laga bilaabo hadda xisaabtan adag lagu sameyn doono dhammaan saraakiisha iyo shaqaalaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay in la dardar geliyo howlaha la xiriira tayeynta ciidanka, anshax marinta, iyo ilaalinta sharciga, si loo helo booliis xirfad leh oo bulshada ku kasbada kalsooni.








