JAKARTA, Indonesia – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa 1-da Agoosto 2025 kulan muhiim ah magaalada Jakarta kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya (ASEAN), Dr. Kao Kim Hourn.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka xubnaha ka ah ASEAN, iyadoo si gaar ah looga hadlay fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, waxbarashada iyo horumarka guud ee labada dhinac.
Wasiir Cabdisalaam ayaa sheegay in Soomaaliya ay danaynayso in ay hesho joogitaan rasmi ah oo ay ku yeelato gudaha ururka ASEAN, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta xiriirka ganacsi, siyaasadeed iyo bulsho ee Soomaaliya ay la leedahay gobolka Koonfur Bari Aasiya.
Dhankiisa, Dr. Kao Kim Hourn ayaa si diirran u soo dhaweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku wajahan dhismaha xiriir dhow oo ay la leedahay ASEAN. Wuxuu sheegay in ururka uu diyaar u yahay in uu sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda istaraatiijiga ah ee ay Soomaaliya leedahay.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Soomaaliya ku raadineyso in ay kaalin firfircoon ka qaadato iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan la-hawlgalka ururro goboleedyo muhiim ah oo ka jira Aasiya.




