Hiiraan, Soomaaliya – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in duqeymo culus oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab ay ka dhaceen deegaano iyo degmooyin katirsan gobolkaas, kuwaas oo geystay khasaare xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo burbur.
Duqeymahan ayaa si gaar ah u saameeyay deegaanka Abooreey iyo degmada Maxaas, iyadoo la xaqiijiyay in lagu dilay hogaamiyaal sare iyo maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab. Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa sheegay in goob ay ku shirayeen xubno sare oo katirsan kooxda lagu beegsaday weerar cirka ah, taas oo keentay in halkaas lagu laayo hogaamiyaha ugu sarreeya ee Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan, iyo tiro badan oo ka tirsan saraakiisha kooxda.
Tirada hordhaca ah ee la helayo ayaa muujinaysa in in ka badan 40 xubnood oo katirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeymahaas, iyadoo sidoo kale lala beegsaday fariisimo difaac ah oo kooxda ay ku lahaayeen gobolka.
Duqeymo kale oo la sheegay inay ka dhaceen degmada Maxaas ayaa lagu weeraray xubno kale oo katirsan Al-Shabaab. Wararka ka imanaya Maxaas waxay sheegayaan in kooxda Al-Shabaab ay la kulantay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan si rasmi ah loo caddeyn tirada saxda ah.
Degmada Maxaas ayaa kamid ahayd goobihii ay dhowaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda kala wareegeen kooxda Al-Shabaab, kadib sanado badan oo ay halkaasi gacanta ku hayeen.
Tan iyo markii la la wareegay, Maxaas iyo nawaaxigeeda waxaa ka socday weerarro joogto ah oo lagula beegsanayo fariisimada kooxda.
Waxaa hadda socda abaabul dagaal oo ballaaran oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, iyaga oo doonaya in si buuxda looga saaro Al-Shabaab goobaha ay weli kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan iyo qeybo kamid ah Galbeedka gobolka Shabeellaha Dhexe.




