Muqdisho – Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay tallaabada geesinimada leh ee uu qaaday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, taas oo lagu baaray in ka badan 250 kiis oo la xiriira lacag-dhaqid iyo maalgelin si toos ah u taageerayay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Guushan ayaa qeyb ka ah dagaalka istiraatiijiga ah ee dowladda Federaalka ay ku burburinayso awoodaha kala duwan ee kooxda – milatari, dhaqaale iyo maskaxeed. Sida ay sheegtay wasaaraddu, baaritaankaas ballaaran waxaa lagu fatashay in ka badan 3,500 oo akoon bangi, iyadoo la xannibay lacag dhan hal milyan oo doolar ($1,000,000), taasoo muujinaysa sida loo wiiqay halbowlayaasha dhaqaalaha ee Al-Shabaab.
Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay si gaar ah ugu ammaaneysaa dhammaan hay’adaha dowladda sida ay ugu garab taagan yihiin dadaallada ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) iyo laamaha kale ee amniga, kuwaasoo si naf-hurnimo leh ugu jira hawlgallada lagu xoreynayo dalka, lagu ilaalinayo shacabka, laguna ciribtirayo cadowga naxariisdarrada ah ee Khawaarijta.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uusan ahayn mid lagu xallin karo oo kaliya xoog ciidan, balse uu yahay halgan ballaaran oo dhinacyo badan leh – mid dhaqaale, mid fikir ah, iyo mid siyaasadeedba. Guulaha laga gaarayo halgankan waxay yihiin laf-dhabarta amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka.
Wasaaraddu waxay ku dhiirrigelisay shacabka Soomaaliyeed in ay garab ku siiyaan Ciidanka Qaranka dadaallada socda, maadaama ay hurayaan naftooda si dalka looga ciribtiro kooxdan dhibaateysay ummadda muddo dheer. Waa halgan qaran oo mideysan, loogana baahan yahay in si wadajir ah looga guuleysto.




