Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

0

MUQDISHO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf inuu noqdo Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha.

 

Danjire Aweys Xaaji Yuusuf ayaa leh khibrad qoto dheer oo ku saabsan maamulka iyo amniga qaranka, isagoo hore u soo qabtay xilal muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  • Hogaaminta Xafiiska Qorshaynta Siyaasadda ee Madaxtooyada Qaranka intii u dhaxaysay 2012 ilaa 2016, halkaas oo uu hormuud ka ahaa dejinta siyaasadaha guud ee amniga, dhaqaalaha, iyo dib-u-habaynta dowladda.
  • Hoggaaminta wadahadallada heer-sare ee amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah.
  • Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga intii u dhaxaysay 2023 ilaa 2025, isagoo door weyn ka qaatay xoojinta xiriirka amni iyo istaraatiijiyadeed ee labada dal.

Madaxweynaha ayaa ku tixgeliyey Lataliyaha cusub waayo-aragnimadiisa amni iyo hoggaamineed, isagoo ka rajeeyey in uu door muhiim ah ka qaato xoojinta amniga qaranka iyo istiraatiijiyadda dowladda ee la dagaallanka argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka, Mudane Xuseen Macalin Maxamuud, hawlihii muhiimka ahaa ee uu ka qabtay horumarinta arrimaha amniga qaranka muddadii uu xilka hayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here