MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta ku soo dhaweeyay xarunta Dekedda Muqdisho Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Mr. Charles King, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka socday Xafiiska Horumarinta UK (FCDO). Wafdigan ayaa kormeer ku sameeyay horumarka laga sameeyay nidaamka casriyeynta dakhliga gudaha.
Wasiirka waxaa wehliyay Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Maamulaha Dekedda Muqdisho iyo Agaasimaha Guud ee Furdooyinka, kuwaas oo si wadajir ah ugu warbixiyay Safiirka UK marxaladaha kala duwan ee uu marayo barnaamijka casriyeynta maamulka dakhliga, gaar ahaan nidaamka SOMCAS (Sistamka Casriga ah ee furdooyinka), oo ah hab online ah oo suurtagelinaya isdhexgal toos ah oo u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
Safiir Charles King ayaa sheegay in Dowladda UK ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dakhliga, kor u qaadista hufnaanta maamulka cashuuraha, iyo dhiirrigelinta is-kaashi waara oo u dhexeeya dowladda iyo ganacsatada dalka.
Wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa uga mahadceliyay Dowladda UK taageerada ay siiso Soomaaliya, wuxuuna sheegay in nidaamka casriyeynta ilaha dakhliga uu yahay mudnaanta koowaad ee wasaaradda, maadaama uu muhiim u yahay kobaca dhaqaalaha dalka iyo yareynta ku tiirsanaanta gargaarka dibadda.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo isla xisaabtanka, hufnaanta iyo kor u qaadista dakhliga gudaha, si loo dhiso dowlad dhaqaale ahaan isku filan.




