Muqdisho – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka tacsiyaysay shacab iyo dowladda Ghana kaddib markii diyaarad qumaatiga u kaca oo ay leedahay ciidamada cirka Ghana ay ku burburtay deegaanka keymaha ah ee Adansi ee gobolka Ashanti.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay “tacsida ugu tiiraanyo leh” u dirayso shacabka iyo dowladda Ghana, iyadoo sheegtay in ay la qaybsanayso xanuunka iyo murugada ka dhalatay shilkaas naxdinta leh.
“Fikirkeena iyo ducooyinkeena waxay la jiraan qoysaska dhibbanayaasha iyo shacabka Ghana xilligan adag,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.
Diyaaradda qumaatiga u kacda ee ay leedahay ciidamada cirka Ghana ayaa burburtay toddobaadkan, waxaana shilku ka dhacay meel kaymaha ah oo ku taalla koonfurta dalkaas. Weli lama shaacin tirada saxda ah ee dhimashada, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo sababta shilka.
Soomaaliya ayaa ku biirtay dalal badan oo muujiyey taageero iyo tacsi ay la wadaagayaan Ghana kaddib masiibadaasi.




