Xiisad ka taagan Doolow kadib markii Itoobiya ay kordhisay ciidamadeeda, cabsi laga qabo dagaal

0

Doolow – Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadahii ugu dambeeyay dowladda Itoobiya ay si weyn u kordhisay ciidamadeeda ku sugan magaalada, iyadoo ciidamo hor leh la geeyay halkaasi.

 

Arrintan ayaa cabsi weyn ku abuurtay dadka deegaanka, kuwaas oo ka baqaya in dagaal dhaco, maadaama uu shalay ku ekaa waqtii ay Itoobiya u qabatay in ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan degmada Balad Xaawo ay halkaas iskaga baxaan.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kadib markii dhowaan ciidamada dowladda Federaalka ay la wareegeen degmada Balad Xaawo, kana saareen ciidamadii maamulka Jubaland ee horey u maamulayay degmadaas.

Haatan, khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubaland ayaa u muuqda mid ku sii fideyso khilaaf dibadda ah, iyadoo Itoobiya lagu eedeeyay inay si toos ah faragelin ugu hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka ayaa weli ka gaabsatay inay si cad uga hadasho arrintaas, taasoo sii kordhisay walaaca bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here