Maraykanka oo diirada saaraya danaha uu ku leeyahay Puntland iyo Somaliland

0

Boosaaso – Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u joojisay taageeradii ay siin jirtay Ciidanka Danab iyo sidoo kale dhaqaalihii ay ku bixin jirtay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, arrintaasoo muujinaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid wadashaqeyntii u dhaxaysay Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo cakiran.

 

Warar hoose oo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in xiriirka u dhaxeeya labada dowladood uu hoos u dhacay kadib markii ay isa soo tarayeen kala aragti duwanaanshiyo la xiriira qaab-dhismeedka amniga iyo maamulka howlgalada la-dagaalanka argagixisada.

Dhanka kale, Boosaaso – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta sagootiyey Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Mareykanka ee Bariga Afrika, Colonel ED Norris, oo dhameystay waajibaadkiisii shaqo, isagoo sidoo kale soo dhoweeyay Taliyaha cusub ee xilka la wareegaya, Col. Benander.

Madaxweyne Deni ayaa hadyad dhaqameed ku maamuusay Colonel Norris, isagoo uga mahadceliyay dowladda Mareykanka garab istaagooda howlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda buuraleyda Calmiskaad. Madaxweynaha ayaa rajo ka muujiyay in Taliyaha cusub, Col. Benander, uu sii xoojin doono wadashaqeynta dhinaca amniga iyo la-dagaalanka kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Colonel Norris, oo hadal jeediyay xilli uu xilka wareejinayay, ayaa sheegay inuu bogaadinayo dadaalka Dowladda Puntland iyo sida ay uga go’an tahay ciribtirka kooxaha khatarta ku ah amniga gudaha iyo kan gobolka. Waxa uu Puntland ku wareejiyay Fuuqa-gantaal mid ka mid ah kuwii Maraykanku ku beegsaday kooxda argagixisada ah ee laga sifeeyay deegaanka Alleelo-yar ee Calmiskaad.

Sidoo kale, Colonel Norris ayaa billado sharaf guddoonsiiyay Agaasimaha Guud ee PMPF, Gen. CabdulRabi Cabdisamed iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Puntland, kuwaasoo door muuqda ka qaatay hawlgallada amniga ee gobolka.

Go’aanka Mareykanka ee ah in uu joojiyo taageeradii Danab iyo dhaqaalihii Midowga Afrika ayaa sii adkeynaya xaaladda amni ee Soomaaliya, iyadoo Puntland ay wali haysato xiriir gaar ah oo ay la leedahay Mareykanka, kaasoo u muuqda mid weli xoogan marka loo eego xiriirka kala dhexeeya Dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here