Xildhibaan xaqiijiyay inuu jiro Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

0

Muqdisho, Soomaaliya | Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in mooshin kalsooni kala noqosho ah laga diyaarinayo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyadoo ay isa soo tarayaan khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka.

 

Xildhibaan Cabdi Ladiif Muuse Nuur (Sanyare), oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa sheegay in mooshinka lagu wado in si rasmi ah loogu gudbiyo Golaha maalinta Sabtida ah ee 23-ka Agoosto 2025, haddii Alle idmo.

Sida uu xildhibaanku sheegay, mooshinka waxaa horey u saxiixay 120 xildhibaan, iyadoo haatan laga sugayo 20 saxiix oo dheeraad ah si mooshinku u buuxiyo tirada sharciga ah ee loo baahan yahay.

“Mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre, oo la filayo in Sabtida 23-ka Agoosto la keeno, waxaa horey u saxiixay 120 xildhibaan. Waxa naga dhiman oo kaliya 20 mudane. Xildhibaankii doonaya inuu ku biiro ama ‘cibaadaysto’ sida aan iri, si toos ah ha ila soo xiriiro,” ayuu yiri Sanyare oo farriin ku daabacay baraha bulshada.

Inkasta oo uusan si faahfaahsan u sheegin sababta rasmiga ah ee mooshinka loo wado, haddana ilo-wareedyo dhowr ah ayaa tilmaamaya in ay jiraan khilaafaad hoose iyo dareen cabasho oo ka dhashay hab-maamulka Xukuumadda iyo waxqabadka Ra’iisul Wasaaraha.

Mooshinnada noocan oo kale ah ma aha kuwo ku cusub siyaasadda Soomaaliya, iyadoo nidaamka dimoqraadiyadeed ee baarlamaaniga ah uu oggol yahay mooshinno kalsooni kala noqosho ah, haddii ay waafaqaan dastuurka kumeelgaarka ah iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here