Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Gaaray Dalka Aljeeriya

0

Algiers – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, oo ay wehliyaan wafdi heer sare ah, ayaa maanta gaaray magaalada Algiers, caasimadda dalka Aljeeriya.

 

Wafdiga Wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Algiers, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Yuusuf Xasan Axmed, Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Aljeeriya, Yusuf Jeego, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda martida loo yahay.

Booqashadan muhiimka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee labada dal ku xoojinayaan xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga istiraatiijiyadeed, iyo wada shaqeynta si loo gaaro horumar, xasillooni iyo is-afgarad waara.

Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa qorsheynaya inuu la kulmo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Aljeeriya, si looga wada hadlo arrimo ay ka mid yihiin amniga gobolka, horumarinta ganacsiga, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal.

Waxaa la filayaa in booqashadan ay gacan weyn ka geysan doonto kobcinta xiriirka labada dowladood iyo in la dhiirrigeliyo iskaashi dhinacyo badan leh oo ka faa’iideysanaya shacabka Soomaaliyeed iyo kan Aljeeriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here