Jeneraal Sahal oo Bogaadiyay Guusha Ciidanka DFS iyo kuwa UPDF ee dagaalka Bariire

0

Shabeellaha Hoose, 10 August 2025 – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa shalay kormeer shaqo ku tagay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda Ciidamada Uganda ee UPDF ay dhowaan ka saareen Al-shabaab.

 

Intii uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa booqday gododkii iyo xarumihii Al-Shabaab laga saaray, halkaas oo lagu arkayay meydad badan oo cadaw ah, hub farabadan iyo saanado kale oo ciidan oo kooxahaasi ka carareen.

Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka, Gaashaanle Cali Cageey, ayaa taliyaha ugu warbixiyay xaaladda amniga iyo sida ciidanku u xaqiijiyeen xasilloonida deegaanka Bariire.

Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa si weyn u bogaadiyay geesinimada iyo howlkarnimada Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda UPDF, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba-laabaan dagaalka Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale ku boorriyey ciidamada inay sii wadaan hawlgallada si loo xaqiijiyo amniga iyo nabadda guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose iyo guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here