Gaadiidleyda ku safarta Shabeellaha Dhexe oo cabasho ka muujiyay isbaarooyin cusub

0

Ceel Cade, Shabeellaha Dhexe – Gaadiidleyda isticmaasha wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa cabasho xoogan ka muujiyay isbaarooyin hor leh oo lagu soo kordhiyay deegaano ku yaalla waddooyinka muhiimka ah ee gobolladaasi.

 

Deegaanka Ceel Cade ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa noqday meel xayiraad ku noqotay gaadiidyo waaweyn oo maalmo u xayirnaa halkaasi, kuwaas oo kusoo jeeday magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in darawallada doonayay inay cabasho ka muujiyaan isbaarada halkaasi taal, ay rasaas ooda looga qaaday ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin maamulka HirShabelle.

Inta la xaqiijiyay, saddex darawal ayaa ku dhaawacmay rasaastaas, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo qaar ka mid ah darawallada la hadlay warbaahinta Shabelle.

Darawallada ayaa sheegay in isbaarooyinkaan cusub ay si weyn u carqaladeynayaan dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo nolosha dadweynaha, iyagoo dowladda federaalka ah iyo maamulka HirShabelle ugu baaqay in si degdeg ah wax looga qabto.

“Ma ahan markii ugu horreysay aan cabano. Isbaarooyinkaan waxay naga lumiyeen waqti, dhaqaalaha, welina wax xal ah looma helin,” ayuu yiri mid kamid ah darawallada.

Cabashooyinka gaadiidleyda ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyadu horey ugu balanqaadeen la dagaallanka isbaarooyinka sharci darrada ah, balse weli waxaa muuqda in arrintani tahay mid sii taagan, islamarkaana u baahan talaabooyin muuqda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here