Gedo, 10 Agoosto 2025 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalladii ugu dambeeyay ee lagu dhisayo maamul cusub oo ka madaxbannaan maamulka Jubbaland ee laga maamulo Kismaayo, kaasi oo dowladda ay horey u caddeysay in aysan aqoonsaneyn.
Qorshahaan ayaa si gaar ah uga socda degmooyinka gobolka Gedo, iyadoo dowladdu ay u aragto mid lagama maarmaan u ah in gobolkaas uu yeesho maamul hoos taga dowladda dhexe, islamarkaana ka turjumaya rabitaanka shacabka deegaanka.
Wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Federaalka, Mudane Fartaag, ayaa la filayaa inuu safar dhowaan ku tago magaalooyinka Beladxaawo iyo Garbahaarrey si uu u dardargeliyo dadaallada maamul u sameynta. Wasiirka ayaa kulamo la yeelan doona mas’uuliyiinta heer gobol iyo degmo, odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in doorashadii lagu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) aanay ahayn mid sharci ah, ayna u aragto in maamulka Kismaayo laga maamulo uu yahay mid aan matalin dhammaan gobollada Jubbaland.
Qorshaha maamul u sameynta Gedo ayaa looga gol leeyahay in gobolka uu yeesho maamul rasmi ah oo si buuxda ula shaqeeya dowladda dhexe, si loo xoojiyo amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarinta dowladnimada.
Maamulka cusub ee la dhisayo ayaa la filayaa inuu noqdo mid loo dhan yahay, laguna saleeyo wada-tashi iyo rabitaanka shacabka deegaanka, waxaana uu qayb ka yahay istaraatiijiyadda dowladdu ku dooneyso inay ku xasilliso gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland.
Tallaabadan ayaa sidoo kale loo arkaa mid fure u noqon karta dib-u-heshiisiin siyaasadeed iyo nabad waarta oo ka hirgasha koonfurta Soomaaliya.




