Muqdisho, Agoosto 10, 2025 – Kulankii maanta lagu waday in uu dhexmaro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda Madasha Samatabixinta, ayaa mar kale dib u dhacay.
Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan ka qaybgalayaasha kulanka ayaa u xaqiijiyay Shabelle in la isku raacay in dib la isugu soo laabto maalinta Arbacada ee soo socota.
Wararka laga helayo xubno muhiim ah oo ku sugan shirka ayaa tilmaamaya in khilaafka ugu weyn uu ka taagan yahay Cutubka 4-aad ee Dastuurka, iyadoo Madaxweynaha lagu eedeeyay in uu ka laabtay tanaasul horey loogu heshiiyay oo la xiriiray wax ka bedelka qodobo muhiim ah.
Madaxda Madasha Samatabixinta ayaa si cad ugu adkeystay Madaxweyne Xasan Sheekh in aanu ku adkeysan mowqifka uu ka qaatay dib uga noqoshada isbedellada lagu sameeyay Cutubkaas, iyagoo ku eedeeyay in arrintaasi ay halis galinayso kalsoonida iyo wada hadallada socda.
Shirkaan oo muddooyinkii u dambeeyay si hoose u socday ayaa la filayaa in uu si weyn u saameeyo hanaanka dib u eegista dastuurka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.
Wixii kusoo kordha, kala soco bogga Shabelle.









