Jowhar, Agoosto 11, 2025 – Wasiir dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Hirshabelle Maxamed Axmad Gacal, ayaa xilkii laga qaaday, kadib hadal uu ka jeediyay warbaahinta oo uu kaga hadlayay cabashooyinka xooggan ee ka imaanaya gaadiidleyda isticmaala wadooyinka waaweyn ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka ayaa si cad u sheegay in ay jiraan dhibaatooyin iyo culeysyo canshuureed oo ay wajahaan gaadiidleyda, isagoo xusay in Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle laga doonayo in tariifada cusub ee canshuuraha ay horgeyso Baarlamaanka si sharci ahaan loo ansixiyo, kadibna shacabka loogu waajibiyo.
“Haddii laga baaqsado ansixinta Baarlamaanka, waxaa laga yaabaa in dadku u hogaansami waayaan waxa ka socda kastamka Ceel Cade, taasoo keeni karta fowdo iyo isqabqabsi aan loo baahnayn,” ayuu yiri wasiirka.
Hadalkan ayaa durba ka careysiiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo warqad rasmi ah ku shaaciyay in wasiirka laga qaaday xilkii uu hayay, isagoo ku eedeeyay hadallo aan mas’uuliyadi ku jirin iyo in uu si toos ah uga hor yimid nidaamka maamulka.
Arrintan ayaa dhalisay hadal hayn xooggan oo ku saabsan xiriirka u dhaxeeya madaxda sare ee Hirshabelle, xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo kalsoonida shacabka iyo hagaajinta nidaamka canshuuraha gudaha.
Wararka ayaa sheegaya in xilka wasiirka la beddeli doono maalmaha soo socda, iyadoo la filayo in qof cusub loo magacaabo xilkaasi muhiimka ah.





