Labo Askari oo Hore uga Tirsanaa Xoogga Dalka oo Lagu Fuliyay Xukun Dil ah

0

Muqdisho, Agoosto 11, 2025 – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay labo askari hore uga tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu helay in ay si qorsheysan u dileen taliyahoodii.

 

Ex-Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex-Dable Aadan Isaaq Yarow (Salaad Koofi), oo ka tirsanaa Guutada 14-ka Oktoobar, ayaa lagu eedeeyay inay miino ku xireen sariirta taliyaha Ururka 83-aad, Ex-Dhamme Ceydiid Maxamed Cali, taas oo sababtay dhimashadiisa.

Xeer-ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda, Dhame Xasan Maxamed Siyaad (Xasan Tarsan), ayaa sheegay in xukunka uu ahaa mid lagu xaqiijinayo caddaalad, isla markaana fariin u ah ciidamada kale.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada, Liibaan Cali Yaroow, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odowaa Yuusuf Raage, ayaa uga digay ciidamada in ay galaan falal lid ku ah sharciga iyo amniga qaranka.

Xukunka ayaa si rasmi ah looga fuliyay Sabiid iyo Caanoole oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo lagu sheegay in uu qeyb ka yahay dadaallada lagu sugaayo amniga iyo anshaxa ciidanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here