Shabeellaha Hoose — Ciidamada Wadajirka ah ee ka kooban kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika gaar ahaan qeybtooda Uganda ayaa si tartiib tartiib ah ugu sii siqaya deegaanada ay weli ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab, sida laga soo xigtay ilo military.
Ciidanka ayaa gaaray dhul beereedyo ku dhow deegaanka Bariire, kadib markii ay heleen xog muujineysa in Al-Shabaab ay isku dayayaan inay dib isugu uruursadaan halkaasi.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan furinta dagaalka ayaa u sheegay warbaahinta Shabelle in ay ka go’an tahay in gebi ahaanba laga saaro kooxda Al-Shabaab gobolka.
“Al-Shabaab waxay mar kale isku dayayaan inay dib u abaabul sameeyaan, balse diyaar ayaan u nahay in aan ka hortagno dhammaan dhaq-dhaqaaqyadooda,” ayuu yiri sarkaalku.
Ciidanka Soomaaliya ayaa dhowaan si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta deegaanka istaraatiijiga ah ee Bariire, kaasoo muhiim u ah dhaq-dhaqaaqyada amni iyo kuwa ganacsi ee gobolka.
Bariire ayaa horey looga saaray Al-Shabaab sanadihii hore, hase yeeshee kooxda ayaa dib u qabsatay 2023. Ciidamada dowladda ayaa haddana todobaadkii hore dib ula wareegay magaaladda, oo 75Km koonfurta galbeed uga beegan Muqdisho.
Howlgalladan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo gobollada weli gacanta ugu jira Al-Shabaab, iyadoo qorshuhu yahay in si buuxda loo sugo amniga Shabeellaha Hoose.




