Balad-Xaawo, Gedo – Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay cafis loo fidinayo ciidamo ka tirsan Jubbaland oo ku sugan bannaanka degmada Balad-Xaawo, kadib dagaal culus oo shalay ka dhacay gudaha degmadaasi.
Guddoomiyaha degmada Balad-Xaawo, Mudane Shire Cabdullaahi Keynaan, oo saxaafadda kula hadlay magaalada, ayaa marka hore tacsi u diray dhammaan ehelada askartii labada dhinac ku geeriyootay dagaalkii dhacay shalay. Wuxuu sidoo kale caafimaad u rajeeyay askartii ku dhaawacantay iska horimaadkaasi.
Guddoomiye Shire ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay dhowrto deris wanaagga kala dhaxeeya Soomaaliya, isla markaana ay gacan ka geysato sidii hubkii laga qaaday ciidamada Jubbaland loo soo celin lahaa, kuwaas oo uu sheegay inay hadda ku sugan yihiin xadka labada dal.
“Dowladda Federaalka waxay diyaar u tahay inay cafis u fidiso askarta Jubbaland ee ku sugan bannaanka degmada haddii ay isa soo dhiibaan, lana shaqeeyaan ciidanka dowladda,” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Balad-Xaawo in ay ka shaqeeyaan xasilloonida deegaanka, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara qalalaase ama nabadgelyo darro.
Dagaalka shalay ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana wali laga dareemayaa xaalad cabsi ah oo ay sababeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda agagaarka degmada.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku howlan tahay dejinta xiisadda iyo sugidda amniga guud ee gobolka Gedo .




