Dab Kacay Suuqa Ugu Weyn Degmada Afgooye

0

Afgooye, Shabeellaha Hoose – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo fiidnimadii xalay ka kacay suuqa Hilwaaley ee degmada Afgooye, kaas oo ah suuqa ugu weyn ee ganacsiga magaaladaas.

 

Goobjoogayaal iyo warar hordhac ah ayaa sheegaya in dabka uu si lama filaan ah uga bilowday mid kamid ah ganacsiyada ku yaalla suuqa, kadib markii la tuhunsan yahay in koronto qaldantay ay sabab u noqotay ololka. Dabka ayaa si degdeg ah ugu fiday dukaamo iyo xarumo ganacsi oo badan, taasoo keentay burbur baaxad leh oo hantiyeed.

Waxaa sidoo kale lasoo wariyay in dab-damisyadii lagu wargeliyay ay daahdeen gaarista goobta, taas oo sii xumeysay xaaladda isla markaana sababtay inuu dabku faafo muddo saacado ah, iyada oo aysan jirin wax xakameyn ah oo lagu sameeyo waqtigii ugu horreeyay.

Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, balse wararka qaar waxay sheegayaan in tobanaan hantiile ganacsi ay waayeen dhammaan agabkoodii iyo alaabooyinkii ku jiray dukaamadooda.

Maamulka degmada Afgooye weli kama hadlin dhacdadan, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa codsanaya in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo sababta keentay dabka iyo sababta ay dab-damisyadu u daahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here