Cape Town, Koonfur Afrika – Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa haatan ku sugan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Wafdigan ayaa ka qaybgalaya Shirka Maalgashiga Biyaha ee Qaaradda Afrika oo halkaas ka furmay.
Shirka ayaa lagu wadaa inuu isugu keeno madaxda sare ee dalalka Afrika, siyaasiyiin iyo la-howlgalayaal caalami ah oo ka shaqeeya horumarinta, si looga wada hadlo dardargelinta maalgashiga biyaha iyo adkeynta sugnaanta kheyraadka biyaha ee guud ahaan Afrika.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arrimaha biyaha u aragta mudnaan istiraatiiji ah, iyadoo maalgashiga biyuhu uu sal u yahay dadaallada dalka ee ku aaddan la tacaalida saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada, yareynta qatarta ay keento, kobaca dhaqaalaha waara, iyo xasiloonida muddada fog.
Wafdiga Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay kulammo la qaataan mas’uuliyiin iyo daneeyayaal kala duwan oo ka socda dalalka iyo hay’adaha ka qaybgalaya shirka, si loo xoojiyo iskaashiga ku saabsan horumarinta kheyraadka biyaha ee Soomaaliya.
Shirkan ayaa loo arkaa mid fursad muhiim ah u ah dalalka Afrika si ay u helaan maalgelin iyo taageero farsamo oo ay ku wajahaan caqabadaha la xiriira biyaha iyo isbeddelka cimilada.



