Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday Ceeldheer si uu u dardargeliyo dagaalka Al-Shabaab

0

CEELDHEER – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo howlgalka lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda bartamaha dalka.

 

Taliye Sahal ayaa inta uu ku sugnaa Ceeldheer kormeeray fariisimaha ciidamada ee ku yaalla xuduudaha hore, halkaas oo uu kulamo is daba joog ah kula yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada howlgalka ka wada aagga.

Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray horumarka laga sameeyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, xaaladda amni ee deegaanka, iyo baahiyaha ciidamada ee dhinacyada qalabka, sahayda iyo gurmadka degdegga ah.

Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi ayaa bogaadiyay dadaalka iyo geesinimada ay muujiyeen ciidamada Qaranka, isagoo si gaar ah ugu hambalyeeyay guulaha la taaban karo ee ay ka gaareen dagaalladii dhowaan ka dhacay gobolka Galgaduud, gaar ahaan aagga Ceeldheer oo marar badan ay isku dhaceen ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Wuxuu ciidamada ku booriyay in ay sii xoojiyaan gulufka dagaal, islamarkaana aysan fursad siin kooxda argagixisada ee weli ku dhuumaaleysaneysa qaybo ka mid ah gobolka.

Taliyuhu wuxuu caddeeyay in taliska guud ee Xoogga Dalka uu si buuxda u garab taagan yahay ciidamada ku sugan jiidda hore, islamarkaana ay si degdeg ah u heli doonaan taageero dheeri ah oo ku aaddan baahiyahooda gaarka ah.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab looga adkaan karo kaliya iyadoo la adkeeyo wada shaqeynta ciidamada iyo shacabka deegaanka, oo ah tiir muhiim u ah guusha howlgallada socda.

Booqashadan ayaa kusoo beegmeysa xilli howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka socdo qeybo badan oo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka, iyadoo dowladda federaalka ay sheegtay in wejiga labaad ee dagaalka lagu dabar goynayo kooxdaasi uu si rasmi ah u bilowday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here