Cape Town – Wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ku sugan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, iyagoo ka qeybgalaya Shirka Maalgashiga Biyaha ee Qaaradda Afrika oo soconaya inta u dhaxeysa 13–15 Agoosto 2025.
Shirkan oo ay si wadajir ah u qabanqaabiyeen Dowladda Koonfur Afrika, Guddoomiyaha Midowga Afrika, iyo Guddiga Sare ee Caalamiga ah ee Maalgashiga Biyaha, ayaa ujeeddadiisu tahay in la dardargeliyo maalgelinta kaabeyaasha biyaha iyo nadaafadda si wax looga qabto caqabadaha ay keenayaan isbeddelka cimilada, loona gaaro horumar waara oo ka faa’iideeya guud ahaan qaaradda.
Madaxda Afrika, Wasiirro, hay’adaha horumarinta, iyo shirkado gaar loo leeyahay ayaa isugu yimid shirkan si ay isugu xirmaan dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo maalgelinta biyaha, iyadoo diiradda la saarayo gaarista Hadafka Horumarka Waara ee Lixaad (SDG-6) iyo hirgelinta Ajandaha 2063 ee Midowga Afrika.
Dowladda Soomaaliya, oo ka duuleysa xaaladda adag ee isbeddelka cimilada iyo baahida sii kordheysa ee biyaha, waxay maalgashiga biyaha u aragtaa mid ka mid ah mudnaanta istaraatiijiyadeed ee muhiimka u ah adkeysiga bulshada, yaraynta saameynta cimilada, kobaca dhaqaale, iyo xasilloonida dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa lagu wadaa inuu kulamo gaar ah la yeesho madaxda kale ee ka qeybgaleysa shirka si loo xoojiyo iskaashiga dhanka biyaha iyo kaabeyaasha horumarineed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika.




