Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga: Shacabka dhawaan waxay maqli doonaan war ay k farxaan

0

Mogadishu, Soomaaliya – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Abuukar Maxamed, ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay dhowaan bilaabi doonaan howlgal ballaaran oo lagula wareegayo deegaano iyo degmooyin gacanta ugu jira Al-Shabaab.

 

Abuukar Maxamed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa xusay in ciidamada dowladda ay ku jiraan diyaar garow sare iyo abaabul ballaaran si loo ciribtiro hanjabaadda kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

“Maalmaha soo socda shacabka Soomaaliyeed waxay maqli doonaan war farxad leh oo ah in deegaano muhiim ah laga xoreeyay cadowga,” ayuu yiri Afhayeenka.

Wuxuu sheegay in diyaar garowga ciidamada xoogga dalka uu si xooggan uga socdo gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaas oo la qorsheynayo in laga fuliyo weerarro qorsheysan oo lagu burburinayo Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool meelaha howlgaladu ka dhacayaan, in ay gacan ka geystaan dadaallada ciidamada, isla markaana ay la shaqeeyaan si nabad loogu soo dabaalo deegaanadooda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo ka badan toban sano dagaal hubeysan kula jirtay dowladda Soomaaliya, iyadoo si joogto ah u beegsanaysa ciidamada iyo shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here