MARKA – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay si weyn u kordhiyay hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellada Hoose, iyaga oo guulo muhiim ah ka gaaray dagaalka ay kula jiraan argagixisada.
Wararka ka imaanaya gobolka ayaa sheegaya in saacadahii ugu dambeeyay ciidamadu ay hawlgallo ballaaran ka fuliyeen jiinka wabiga ee gobolka, halkaas oo ay ka sameeyeen baaritaano xooggan oo lagu xaqiijinayo ammaanka.
Intii uu socday hawlgalkaas, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay tiro dad ah oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab. Dadkan ayaa hadda lagu hayaa baaritaan si loo xaqiijiyo doorkooda iyo in ay kooxda ka tirsan yihiin.
Dhinaca kale, ciidamada xoogga dalka ayaa dhawaan dagaal culus kula wareegay degmada istiraatiijiga ah ee Owdhiigle, taasoo ah meel muhiim u ah dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ee gobolka. Waxaana degmadaas la geeyay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan milatariga, kuwaas oo lagu xoojinayo amniga deegaanka iyo kuwa ku xeeran.
Ciidamada ayaa si gaar ah u laba jibbaaray hawlgallada ka socda tuulooyinka iyo deegaannada hoostaga degmada Owdhiigle, iyaga oo beegsanaya xarumaha iyo saldhigyada ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay gobolka.
Hawlgalladan ayaa waxaa si dhow ula shaqeynaya ciidamada Midowga Afrika ee Uganda ka socda, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS ee taageera dowladda Soomaaliya ee la dagaalanka Al-Shabaab.
Ciidamada xoogga dalka ayaa ku adkeysanaya in ay sii wadi doonaan dagaalka ilaa laga cirib tiro kooxda Al-Shabaab guud ahaan dalka.




