MUQDISHO – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu u ambabaxo magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu kaga qeybgali doono shirka guud ee sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (QM), sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan Villa Soomaaliya.
Shirka sanadkan ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo horraanta bisha September ee soo socota, waxaana la filayaa inay kasoo qeybgalaan dhammaan madaxda dalalka caalamka, si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka ah ee saameeya dunida.
Shirkan ayaa ah madal sannadle ah oo ay madaxdu ku kala xog qaataan, islamarkaana fursad u siisa hoggaamiyeyaasha caalamka in ay ka hadlaan xaaladaha dalalkooda iyo ajendayaal caalami ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu khudbaddiisa diiradda ku saaro arrimo ay kamid yihiin: xaaladda amni ee dalka, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, xoojinta dhaqaalaha, iyo diyaar garowga doorashooyinka guud ee la qorsheeyay in ay dalka ka dhacaan sanadka 2026.
Inkasta oo uu jiro khilaaf siyaasadeed oo gudaha ah oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, haddana dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in aysan dib uga laaban doonin qorshaha doorashooyinka tooska ah, kuna adkeysan doonto hirgelintooda.
Villa Soomaaliya ayaa haatan si rasmi ah u wada diyaarinta safarka madaxweynaha ee New York, iyadoo kulamo muhiim ah la filayo inuu halkaas kula yeesho madaxda kale ee caalamka inta uu shirka socdo.




