Ciidanka NISA oo Ku Dilay 11 Ka Tirsan Al-Shabaab Howlgallo Ka Dhacay Saddex Gobol

0

Muqdisho, Agoosto 16, 2025 – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

 

Sida ku xusan qoraalka NISA, Howlgallada ayaa lagu dilay 11 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, oo uu ku jiro hogaamiye sare. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay kooxdu wadatay.

Howlgalka ugu horreeyay ayaa dhacay 12-kii Agoosto, waxaana lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay isugu yimaadeen horjoogayaal iyo xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada NISA ayaa halkaas ku dilay toddobo ka mid ah xubnihii ku sugnaa goobtaasi, waxaana la burburiyay xaruntii shirku ka socday.

13-kii Agoosto, howlgal kale oo laga sameeyay deegaanka Daarunimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa looga hortagay weerar ay Al-Shabaab damacsanaayeen inay ku qaadaan ciidamada difaaca shacabka.

Afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda ayaa lagu dilay halkaasi, waxaana ka mid ahaa Cabdullaahi Ganeey oo ahaa horjooge sare oo kooxda ka tirsanaa tan iyo sanadkii 2009.

Howlgalka saddexaad ayaa dhacay 14-kii Agoosto, waxaana lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo si buuxda ugu rarnaa saanad ciidan oo ay Al-Shabaab u wadeen dagaalyahano qorsheynayay inay fuliyaan falal amni-darro ah oo ka dhan ah degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Ciidamada NISA ayaa si buuxda u gubay gaarigii iyo saanaddii uu siday, taasoo sababtay in la fashiliyo qorshihii ay kooxdu damacsaneyd.

Ciidanka sirdoonka ayaa sheegay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaalka joogtada ah ee lagu beegsanayo Al-Shabaab si looga hortago weerarada ay ku hayaan shacabka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa horey u ballanqaadday in aysan ka laaban doonin dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here