Muqdisho, Soomaaliya – Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa si xowli ah u xoogeysanaya, iyadoo tiro sii kordheysa oo xildhibaano ah ay si cad u muujinayaan rabitaankooda ku aaddan in la rido xukuumadda uu hoggaamiyo.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay kulamo iyo saxiixyo rasmi ah oo lagu diyaarinayo mooshin kalsooni kala noqosho ah, iyaga oo ku eedeeyay xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha in ay ku fashilantay wax ka qabashada arrimo muhiim ah sida amniga, la dagaalanka musuqmaasuqa, iyo hirgelinta hannaanka federaalka.
“Waa inaan badbaadino dalka. Xukuumaddan waxay luminaysaa kalsoonidii shacabka iyo hannaankii dowladnimo ee lagu tiirsanaa. Waxqabad la’aanta iyo is-mariwaaga siyaasadeed ee ka dhex jira xukuumadda hadda jirta ayaa naga dhigay inaan mooshinka bilowno,” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada taageersan mooshinka.
Warar hoose ayaa sheegaya in mooshinka ay hadda saxiixeen in ka badan 100 xildhibaan, taasoo muujinaysa in ay jirto taageero ballaaran oo laga dareemayo gudaha baarlamaanka.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre weli kama uusan hadlin mooshinka socda, hase yeeshee xubno ka tirsan xafiiskiisa ayaa sheegay in mooshinka uu yahay mid siyaasadaysan oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, haddii mooshinku gaaro tirada loo baahan yahay oo la horgeeyo fadhiga baarlamaanka, waxay noqon kartaa mid saameyn weyn ku yeelata mustaqbalka siyaasadeed ee Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumaddiisa.
Tani ayaa imaaneysa xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed iyo amni oo cakiran, iyadoo khilaafyo xoogan ay u dhexeeyaan dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.




