BELEDXAAWO (SMN) — Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan, ayaa maanta gaaray degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay xerada ciidamada UK ee duleedka magaalada, iyadoona halkaasi ay ka soo galbiyeen guddoomiyaha degmada, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyo masuuliyiin kale.
Ujeedada safarka wafdiga ayaa sida la sheegay daaran qiimeynta xaaladda bani’aadantinimo ee Beledxaawo, gaar ahaan saameynta uu dagaallo dhowaan halkaasi ka dhacay uu ku yeeshay bulshada iyo baahida dadka barakacay. SoDMA ayaa sidoo kale halkaas ka bilowday qaybinta gargaar cunno.
Intaa waxaa dheer, shir gaar ah oo diiradda lagu saarayo u diyaar garowga gurmadka deg-degga ah iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha taagan ayaa ka socda magaalada, waxaana shirkaas horkacaya Hay’adda SoDMA, iyadoo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin kala duwan.
Agaasime Cabdirashiid ayaa xusay in SoDMA ay ka go’an tahay inay gaarsiiso taageero degdeg ah dadka ay saameeyeen colaadaha, isla markaana ay la shaqeynayaan hay’adaha kale si loo dardargeliyo wax ka qabashada xaaladaha bani’aadantinimo.





