Ciidamada Danab oo dilay in ka badan 100 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab howlgal qorshaysan oo ka dhacay Awdheegle

0

Awdheegle, Soomaaliya – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, una kaashanayay saaxiibada caalamiga ah, ayaa dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaddib howlgal si qorshaysan uga dhacay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Isniintii shalay.

 

Bayaan kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa lagu sheegay in weerarku uu bartilmaameedsaday saldhigyo iyo godad ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, halkaas oo sidoo kale lagu dilay saraakiil sar-sare oo ka tirsan kooxda.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu burburiyay shabakad godad iyo xarumo difaac oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka, kuwaas oo loo adeegsaday weerarro iyo gabaad.

“Howlgalkani wuxuu ahaa mid si taxaddar leh loo qorsheeyay, waxaana lagu guuleystay in si hufan loo fuliyo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda, iyagoo sidoo kale xaqiijiyay inaan wax khasaare ah soo gaarin ciidamada dowladda ama kuwa caalamiga ah ee taageerayay.

Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida ayaa kordhisay weerarada ay ka geysaneyso guud ahaan dalka Soomaaliya, inkastoo ay socdaan dadaallo joogto ah oo lagula dagaallamayo, kuwaas oo ay hormuud ka yihiin ciidamada dowladda, Mareykanka, iyo xoogagga Midowga Afrika ee AUSSOM.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay sii wadi doonto cadaadiska militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo soo celiyo xasilloonida loona xoreeyo dhulalka ay wali kooxdaasi gacanta ku hayso, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here