MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Yuusuf Xuseen Gama’diid ayaa si kulul u cambaareeyay hab-dhaqanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu ku tuntay dastuurka dalka, uu burburinayo heshiiskii bulsho, kana shaqeynayo kala fogaanshaha shacabka Soomaaliyeed.
Xildhibaanku wuxuu ku tilmaamay falalka Madaxweynaha inuu yahay “mas’uuliyad darro qaran”, taasoo dhaawac weyn u geysaneysa kalsoonida shacabka iyo jiritaanka dowladnimo Soomaaliyeed.
“Burburinta heshiiskii bulsho, laalidda Dastuurkii lagu heshiiyay, boobka hantida qaran iyo xoog u sheegashada shacabka danyarta ah waa falal ka baxsan mas’uuliyad qaran, kana fog wax sharciyad dowladnimo la yiraahdo,” ayuu yiri Xildhibaan Gama’diid.
Wuxuu si gaar ah uga digay in haddii hoggaamiyaha dalka uu jebiyo sharciga, uu horseedi karo burbur bulsho, kala qaybsanaan siyaasadeed iyo dib u laabasho amni darro, taasoo dhaawici karta horumarkii laga gaaray dowlad dhisidda.
“Dastuurka waa qodobbada saldhigga u ah jiritaanka dowladnimo. Madaxweynaha waxaa laga filayay inuu difaaco xuquuqda shacabka, u danqeeyo dadka danyarta ah, islamarkaana hogaamiyo dowlad daahfuran oo caddaalad ku dhisan. Haddii taa laga weecdo, himiladii shacabka Soomaaliyeed way burbureysaa,” ayuu sii raaciyay.
Xildhibaanka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay feejignaadaan, una istaagaan difaaca midnimada qaranka, hantidooda guud, iyo ilaalinta nidaamka dowladnimo.
“#Dad dhisan baa dal dhisa,” ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisa.
Warka Xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo mucaaradad sii xoogeysanaysa ay la kulmayaan tallaabooyin dhowr ah oo ka imaanaya xafiiska Madaxweynaha, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay wiiqayaan hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.




