Madaxweynayaashii Hore oo ka digay ku tagrifalka hantida Qaranka iyo Boobka Dhulka

0

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynayaashii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, C/qaasim Salaad Xasan, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si wadajir ah uga hadlay arrimaha la xiriira ku tagrifalka hantida danta guud iyo boobka dhulalka dadweynaha, iyagoo muujiyey walaac xoogan oo ku saabsan sida aan sharciyadda waafaqsaneyn ee loo maamulayo hantida qaranka.

 

Madaxweynayaasha ayaa ku baaqay in la ilaaliyo hantida guud ee dalka, loona hoggaansamo dastuurka iyo xeerarka u degsan maamulka dhulka iyo hantida dowladda.

Waxay sheegeen in boobka dhulalka iyo musuqmaasuqa la xiriira hantida guud uu dhaawacayo kalsoonida shacabka, xasiloonida dalka, iyo hannaanka dowladnimada.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen hay’adaha garsoorka, baarlamaanka, iyo xukuumadda in ay qaataan masuuliyaddooda dastuuriga ah, oo ay si hufan u baaran eedeymaha la xiriira lunsiga hantida qaranka, si sharciga loo hor keeno cid kasta oo ku xadgudubta danta guud.

Madaxweynayaashii hore ayaa ugu dambeyntii ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan difaaca hantidooda iyo dhulkooda, kana qayb qaataan ilaalinta xuquuqda danta guud si loo dhiso mustaqbal cadaalad ku dhisan.

May be an illustration of 3 people and text

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here