Mareykanka oo 10 milyan oo dollar ku baadi-goobaya xogta Daacishta Soomaaliya

0

WASHINGTON – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaal-marin lacageed oo gaareysa $10 milyan oo doollar iyo fursad dib-u-dejin ah qof kasta oo keena xog muhiim ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee kooxda Daacish ee Soomaaliya.

 

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in ISIS-ta Soomaaliya ay tahay mid ka mid ah laamaha ugu waaweyn ee shabakadda ISIS ee qaaradda Afrika, isla markaana ay door muhiim ah ka ciyaarto maalgelinta hawlgallada ururka caalamiga ah.

Warbixin rasmi ah oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in kooxda Daacish ay dhaqaale ku hesho habab kala duwan oo ay ka mid yihiin canshuur qaadis, baad ku haynta dadka deegaanka, lacag dhaqid, afduub madax furasho lagu dalbado, iyo ka ganacsiga hubka.

Sidoo kale, warbixinta ayaa tilmaamtay in kooxdu ay dhaqaale ka hesho falal sharci darro ah sida burcad-badeednimo, kalluumaysi sharci darro ah, iyo isticmaalka lacagaha moobilka iyo kiribtokaaransi (cryptocurrency) si ay u fududeyso wareejinta lacagaha.

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo haysta xog la xiriirta dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee Daacish inay soo gudbiyaan, iyadoo qof kasta oo xog muhiim ah keena la siin doono abaal-marin lacageed iyo fursad dib-u-dejin.

Cabdiqaadir Muumin, oo horey uga mid ahaa Al-Shabaab ayaa 2015 ku aas-aasay Daacish buuraha Calmiskaad, waxaana kooxda heshay dagaalyahano ajaaniib ah, taasoo kordhisay awoodeeda.

Tan iyo Dcember 2024, Puntland ayaa Daacish kula dagaalamaysa Calmiskaad, iyadoo laga saarey kooxda saldhigyo badan oo muhiim ahaa, waxaana dagaalka qeyb ka ah Mareykanka iyo Imaaraadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here