Muqdisho – Prof. Shaafici Yuusuf Cumar, oo ah Madaxa Cilmi-baarista ee Xarunta Brilliance (oo ku takhasustay Amniga iyo Dowlad Wanaagga), ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu “tuuray sharcigii,” taasoo sababtay in shacabka Soomaaliyeed ay niyad-jabaan, ayna u sii qulqulaan dhinaca Al-Shabaab ama dalka ayba ka qaxaan.
“Xaaladdu waxay mareysaa meel halis ah,” ayuu yiri Prof. Shaafici oo wareysi siinayay Shabelle TV.
“Shacabka qaar waxay u galayaan AS sabab la xiriirta cabsi iyo niyad jab siyaasadeed. Qaar kalena dalka way isaga cararayaan iyadoo aysan jirin kalsooni ay ku qabaan dowladda.”
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu wajahayo khilaafyo siyaasadeed, dhibaatooyin amni iyo jahwareer dhanka hogaanka ah. P
rof. Shaafici ayaa ugu baaqay dowladda in ay dib u eegto jihada ay ku socoto, isagoo sheegay in awoodda dowladnimo aan lagu xoojin karin jabinta sharciga, balse lagu dhisi karo kalsooni, cadaalad iyo wada-tashi dhab ah.
Wuxuu intaas ku daray in haddii xaaladda sidan kusii socoto, ay jiri karto burbur baahsan oo saameeya jiritaanka dowladnimada lafteeda.
DAAWO WAREYSIGA:




