Laascaanood, Soomaaliya – Guddiga doorashada baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay magacyada musharaxiinta u taagan qabashada xilalka guddoonka golaha wakiilada ee maamulkaasi.
Kursiga guddoomiyaha baarlamaanka waxaa ku tartamaya laba musharax:
- Aadan Cabdullaahi Xasan
- Cabdiqafaar Maxamuud Maxamed
Sidoo kale, xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad ayaa waxaa u tartamaya laba musharax, inkastoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in Cabdirisaaq Jaamac Warsame uu si horudhac ah ugu guuleystay xilkaas, maadaama uu yahay musharaxa kaliya ee isdiiwaangeliyay.
Doorashada rasmiga ah ee guddoonka baarlamaanka ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool, sida uu horey u shaaciyay guddiga doorashooyinka baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari.
Doorashadan ayaa lagu wadaa inay door weyn ka ciyaarto dhismaha hay’adaha dastuuriga ah ee maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.



