Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya

0

Muqdisho, Ogosto 23, 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bini’aadannimada iyo iskaashiga caalamiga ah.

Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa tilmaamay in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah oo ku dhisan is-aamin iyo saaxiibtinimo.

Waxa uu xusay in dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto garab istaagga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ka shaqeynaya mashruucyo horumarineed iyo dadaallo lagu taageerayo xasilloonida iyo kobaca dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah si loo dardargeliyo horumarka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here