LAASCAANOOD, Soomaaliya – Xildhibaanada maamulka cusub ee dhowaan laga dhisay waqooyi bari Soomaaliya ayaa Sabtidii doortay Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dhameystirka dhismaha xubinta cusub ee dowlad-goboleedka Federaalka.
Dr. Aadan Cabdullaahi ayaa helay 53 cod, halka musharixiisii la tartamayey, Abdiqafaar Dheeliye, uu helay 29 cod. Hal cod ayaa la sheegay inuu ahaa mid aan ansax ahayn, sida ay sheegtay guddiga doorashada.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si wadajir ah ugu hambalyeeyay Dr. Aadan Cabdullaahi doorashadiisa, iyagoo muujiyay kalsoonida ay ku qabaan doorkiisa hogaamineed ee dhismaha maamulka cusub.
“Waxaan rajeynayaa in Ilaahay u sahlo Guddoomiyaha cusub masuuliyadda culus ee loo igmaday. Waxaan aaminsanahay inuu door muuqda ka qaadan doono dhismaha maamulka, dhamaystirka geeddi-socodka doorashooyinka iyo hirgelinta sharciga,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ammaanay xildhibaanada, isagoo ku tilmaamay inay si “heer sare ah” u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
Sidoo kale, xildhibaan Amran Axmed Xasan ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, halka Cabdirisaaq Jaamac Warsame uu noqday Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad.




