Muqdisho — Wasiirka Beeraha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay xaaladda cunnada iyo dhaqaalaha dalka, isagoo ku baaqay in qof waliba uu ku dadaalo sidii uu meel uu wax ka cuni karo u heli lahaa.
Wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan jirin cid si toos ah wax ugu soo wadda, isla markaana loo baahan yahay in dadka dalka ku nool ay isku tashadaan.
“Soomaaliya cid wax usoo wado ma jirto, waxaan jeclaan lahaa in isbuucii hal maalin kalluunka loo daayo oo hilibka la iska joojiyo,” ayuu yiri Wasiir Maareeye, isagoo ku tilmaamay in tani ay caawin karto sidii loo yareyn lahaa culayska cunnada iyo dhaqaalaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada inay ka shaqeeyaan horumarinta dhaqaalaha gudaha iyo in la dhiirrigeliyo isticmaalka kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.




