Laascaanood, Soomaaliya – Magaalada Laascaanood, xarunta gobolka Sool, ayaa lagu wadaa in ay 28-ka bishan — oo ku beegan maalinta Khamiista — martigeliso doorasho muhiim ah oo lagu soo dooranayo hoggaanka cusub ee maamulka Waqooyi Bari State.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in uu si xowli ah u socdo diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashada, iyadoo la adkeeyay amniga guud ee magaalada, lana diyaariyay goobihii codbixinta iyo habraacyadii farsamo ee doorashadu ku qabsoomi lahayd.
Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid si weyn loogu tartami doono, iyadoo tiro badan oo musharraxiin ah ay horey isugu diiwaan geliyeen tartanka, kuwaasoo intooda badan ka soo jeeda deegaanka isla markaana leh sumcad iyo taageero ballaaran.
Musharrixiinta ugu cadcad waxaa ka mid ah:
-
Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya, oo si weyn looga yaqaan gobollada Waqooyi Bari, islamarkaana leh taageero xooggan oo deegaanka ah.
-
Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, hoggaamiyihii hore ee maamulka deegaanka, oo mar kale doonaya in dib loogu doorto xilka. Warar hoose ayaa tilmaamaya in Villa Soomaaliya ay si aan rasmi ahayn u taageerayso musharraxnimadiisa, taas oo lagu micneeyay isku day ah in dowladda dhexe saameyn ku yeelato maamulka cusub.
Doorashadan ayaa noqon doonta tii ugu horreysay ee si rasmi ah loogu qabto magaalada Laascaanood tan iyo markii ay magaaladaasi ka baxday gacanta Somaliland bilowgii sanadkii 2023.
Waxaa loo arkaa fursad cusub oo dadka deegaanka ay ku dhisan karaan maamul maxalli ah oo matala rabitaankooda siyaasadeed iyo bulsho.
Masuuliyiinta qabanqaabada doorashada ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in doorashadu u dhacdo si nabdoon, xor ah, oo daahfuran, taasoo horseedi karta xasilooni siyaasadeed iyo dib u dhis ku saleysan rabitaanka shacabka gobolka.




