MUQDISHO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay ku qaabilay qasriga Madaxtooyada wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi qoto dheer oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo xoogga la saaray arrimaha dhaqaalaha iyo amniga.
Intii uu socday kulanka, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal khaas ah oo uu uga siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, H.H. Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay booqashada wafdiga Imaaraadka iyo taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Imaaraadku siiyaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu sidoo kale gudbiyay farriin gaar ah oo uu u diray Madaxweynaha Imaaraadka, isaga oo adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga labada dal.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale xusay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta dalka, horumarinta dimuqraadiyadda iyo kobcinta dhaqaalaha, isagoo muujiyay rajada laga qabo in iskaashiga labada dal uu gaaro heerar cusub oo miro-dhal ah.





