WFP iyo Hantidhowrka Guud oo ka Wada Shaqeeya Talooyinka Maaliyadeed 2024

0

Muqdisho – Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marti-geliyay kulan muhiim ah oo ay ka soo qaybgaleen madax sare oo ka kala socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray natiijada baarista maaliyadeed ee 2024 iyo fulinta talooyinka Hantidhowrka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray Mashruuca Baxnaano oo uu maalgeliyo Bankiga Adduunka.

Waxaa si qoto dheer looga dooday hannaanka wadaagista xogta ka faa’iideystayaasha iyo xaqiijinta lacagaha la bixiyay ee lagu caddeeyay warbixinta maaliyadeed ee Dowladda Federaalka.

Madaxa WFP ee Soomaaliya, El Khidir Daloum Mohamud Ahmed, ayaa faahfaahin ka bixiyay nidaamka xakamaynta gudaha ee hay’adda, habraacyada maaliyadeed iyo qorshaha fulineed ee WFP.

Waxa uu xusay sida WFP ay ugu heelan tahay inay si hufan ula shaqeyso hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan iyo daahfurnaan buuxda.

Kaddib dood iyo falanqeyn waxtar leh, dhinacyadii ka qeybgalay kulanka waxa ay isla qaateen in la dhiso Guddi Farsamo oo ay ku jiraan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, si ay uga shaqeeyaan hirgelinta talooyinka Hantidhowrka iyo kor u qaadista hannaanka wadaagista xogta ka-faa’iideystayaasha ee Mashruuca Baxnaano.

Ugu dambeyntii, Hantidhowraha Guud iyo Xisaabiyaha Guud waxay uga mahadceliyeen WFP jawaab-celinta degdegga ah ee la xiriirta natiijada baarista maaliyadeed ee 2024 iyo dadaallada lagu fulinayo talooyinka Hantidhowrka Guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here