Dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish oo looga hadlay Shirka Gollaha Wasiiradda

0

Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaasoo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.

 

Inta uu socday kulanka, waxaa lagu ansixiyey saddex heshiis is-afgarad oo muhiim u ah dhismaha iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee dalka.

Heshiisyadan ayaa kala ah:

  • Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun,
  • Heshiis is-afgarad oo la galay Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar,
  • Iyo heshiis kale oo la saxiixday Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Kulanka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xaaladda amniga guud ee dalka iyo howlgallada socda ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo Daacish.

Xukuumadda ayaa sheegtay in heshiisyadan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu horumarinayo awoodda difaaca Qaranka iyo xoojinta iskaashiga milatari ee caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here