MUQDISHO – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan la yeeshay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar, oo Soomaaliya ku jooga howlo shaqo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka amniga ee labada dal iyo dardargelinta howlgallada wadajirka ah ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab.
Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la xoojiyo iskaashiga ciidamada labada dal ee qeyb ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo kulankan uu daba socday heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Wasiir Cumar Cali Cabdi ayaa uga mahadceliyay dowladda Jabuuti taageerada joogtada ah ee ay u fidiso shacabka iyo dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay ciidamada “Hiil Walaal” ee Jabuuti ka qaataan howlgalka AUSSOM, isagoo caddeeyay in taageeradaas ay kaalin weyn ka qaadaneyso sugidda nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.
Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo xiriirka dhow ee amniga iyo iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Jabuuti, waxaana labada dhinac ku heshiiyay in la sii dardargeliyo wada-shaqeynta iyagoo ka shaqeynaya sidii loo sii ambaqaadi lahaa howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.



