Guddoomiyaha SODMA oo Booqasho Ku Tagay Degmada Jalalaqsi, Mashruucna Ka Daahfuray

0

Jalalaqsi, Hiiraan  – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA), Maxamuud Macallin, ayaa maanta gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.

 

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi, Nuur Dheere, iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada ayaa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha SODMA garoonka degmada, iyagoo muujiyay muhiimadda booqashadiisa.

Socdaalka Maxamuud Macallin uu ku tegay Jalalaqsi ayaa ujeedkiisu yahay in uu si rasmi ah uga daahfuro mashruuc gar-gaar bani’aadamnimo oo loogu talagalay bulshada tabaaleysan ee ku nool degmada. Dadka deegaanka ayaa marar badan codsiyo u diray hay’adaha dowladda, iyagoo sheegay baahida weyn ee loo qabo gargaar nololeed.

Mashruucan ayaa ah mid horey loogu daahfuray degmada Balcad, halkaas oo SODMA ay dhawaan ka hirgelisay taageero loogu talagalay dadka nugul. Mashruucyada noocan ah ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda federaalka ah ee lagu xoojinayo ka jawaabista baahiyaha degdegga ah ee bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in safar qorshaysnaa oo uu Guddoomiye Maxamuud Macallin ku tagi lahaa magaalada Beledweyne uu u baaqday sababo la xiriira xaalado aan la shaacin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here